Ten Hag: Guusha Man United Waxa Ay Ku Xidhantahay Halkan Xiddig

Manchester United ayaa mar kale ka noqon karta wax weyn adduunka hadii uu xiddiga Marcus Rashford sii wado qaab ciyaareedka.

Taasi waa sida uu qabo tababare Erik ten Hag, kaasoo aaminsan in weeraryahanka Marcus Rashford uu fure u yahay guulaha Man United.

Rashford ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

“Waxaan rajeynayaa in dhamaan ciyaartoydeena ay xiiso ka heli karaan kooxaha, sababtoo ah taasi waxay la macno tahay inaad shaqo fiican qabanaysid kooxdu si fiican u ciyaarayso taasi waa waxa aan doonayno”ayuu Ten Hag Yidhi.

“Markaa waxaan dhihi lahaa tani waa meesha ugu fiican ee la joogi karo, sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan dhisno kooxda ugu fiican – marka hore England, ka dibna Europe ka dibna aduunka”.

“Kooxdaan waxaa loo dhisay si tayada Rashford ay u soo baxdo,  marka waxaan u maleynayaa inuu ogyahay inuu muhiim noo yahay haddii aan dooneyno inaan helno guusha aan dooneyno. Waanu u baahanahay isaga. Kama jawaabi karo Heshiiskiisa sababta oo ah waa arin u dhexaysa xiddiga iyo kooxda”.

“Laakiin waxaan filayaa inuu fahamsan yahay in Manchester United ay tahay kooxdiisa sidoo kale halkan tahay deegaankiisa waxana uu u ciyaarayaa si fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*