Sababtii Uu Lisandro Martinez Isaga Diiday Arsenal Una Doortay Man United Oo La Ogaaday.

Wakiilka Lisandro Martinez ayaa qirtay tababarihiisii ​​hore ee Ajax Erik ten Hag inuu fure u ahaa inuu doorto Manchester United xagaagii hore.

Lisandro ayaa sidoo kale dalab ka helay Arsenal, laakiin ugu dambeyntii u saxiixay United.

Bas Schothorst oo ka mid ah wakiilada Martinez ee Essel Sports, ayaa sharaxay sidii uu xiddiga reer Argentina uu ugu biiray kooxda Man United.

Isagoo la hadlaya Voetbal Primeur, Schothorst wuxuu yiri: “[Bixitaankii Martinez] waxay ahayd hannaan dhowr bilood ah.

“Waxaan xiriir la sameynay kooxo kala duwan laakiin ugu dambayntii Joogista Erik Ten Hag ee Man United ayaa muhiim ka noqtay go’aankiisa”.

“Ten Hag wuu garanayaa isaga, waxana uu kala soo shaqeeyay Ajax waxana uu si fiican u garanayaa waxa uu Martinez samayn karo waana arin fiican in uu hogaamiyo mashruuca”.

“Dhanka kale, Arsenal sidoo kale waa koox weyn, laakiin waa inaad doorataa, dookh adag”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*