
Wax qarsoon ma aha in LIverpool ay dareemayaan baahi dhanka qadka dhexe , waana halka uu doonayo macalin Klopp in uu kooxda ka xoojiyo ugu yaraan xagaaga.
Warar ay baahiyeen saxaafada ayaa daaha ka qaaday in tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp uu si xoogan u danaynayo helitaanka adeega xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.
Bellingham ayaa ku guulaystay in uu soo jiito indhaha kooxaha ugu waaweyn Yurub marka loo eego qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee uu la soo qaatay Borussia Dortmund iyo xulka qaranka England oo ay ugu horeeyaan Liverpool, Real Madrid iyo Manchester City.
Sida laga soo xigtay shabakadda “Liverpool Echo” ee Ingiriiska ah, oo soo xiganaysa saxafiga Florian Plettenberg, Jurgen Klopp ayaa ku cadaadinaya maamulka Liverpool in si dhab ah loogu dhaqaaqo soo xero gilinta Bellingham
Wargeyskaas ayaa hoosta ka xariiqaya in Klopp uu da`yarkaas reer Ingiriis u arko bartilmaameedkiisa dhabta ah ee xagaaga soo socda.
Liverpool Echo ayaa xuseysa in agaasimaha ciyaaraha Liverpool ee Julian Ward uu toos ula xariiray laaicbkaas lamana helin nooca jawaab ee uu ka helay Bellingham .
Waxaa la isla meel dhigayaa in Dortmund ku adag tahay in laacibkaan sii haystaan waxii ka dambeeya suuqaan jiilaalka waana midda keenatay in ay ku gor gortamaan aduun lacageed oo u dhaxeeya 100 ilaa 150 milyan oo euro si u soo fasaxaan laacibka
Be the first to comment