Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

Waxa la soo afjaray todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh.

Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa isku sii baacsanaya kaalinta 1-aad ee horyaalka premier League waxana ay gaadheen guulo muhiim ah.

Dhinaca kale Man United ayaa kulankii 2-aad oo xidhiidh ah dhibco lumisay kadib markii ay guuldaro wakhti dambe ah kala kulantay kooxda Arsenal.

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa dhinacooda sii wada luminta dhibcaha iyaga oo isku dhaafi waayay bar-baro gool la’aan ah kulan ka dhacay Anfield.

Kadib kulamadii la ciyaaray todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka premier League ee todobaadka.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig kadib markii ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen kulankii Man United.

Kooxda Tottenham ayaa ku xigta oo shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha West Ham, Aston Villa, Crystal Palace, Chelsea iyo Man City ayaa shaxda ku leh min hal xiddig

Garth Crooks' team of the week

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*