Man City Oo Joao Cancelo U Adeegsanaysa Saxiixa Xiddig Uu Pep Guardiola Doonaya Saxiixiisa.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay xiddiga Joao Cancelo u soo bandhigto Ac Milan si ay ula saxiixato xiddiga Rafael Leao.

18-kii bilood ee la soo dhaafay, weeraryahanka AC Milan ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Serie A, isagoo dhaliyay 19 gool 16 kalena caawiye ka noqdaytan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore.

Qaab ciyaareedka xiddiga 23 jirka ah ayaa soo jiitay indhaha kooxo waaweyn oo ka mid ah qaarada yurub.

Xiddiga reer Portugal ayay 18 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Ac Milan waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxo badan.

Horaantii bishaan, agaasimaha Milan Paolo Maldini ayaa u muuqday mid ku kalsoon in kooxda heysata horyaalka xilli ciyaareedkii hore ay ugu dambeyntii kordhin doonto qandaraaska Leao.

Sida laga soo xigtay Calciomercatoweb, tababaraha City Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu ku daro Cancelo heshiis is dhaafsi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*