Liverpool Oo Calaamadsatay Badalka Mohamed Salah.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u calaamadsatay weeraryahanka Juventus Federico Chiesa inuu yahay bedelka Mohamed Salah.

Mustaqbalka Salah ayaa su’aal la geliyay sanadkii hore ka dib markii xiddiga reer Masar diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda lana xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona laakiin waxa uu ugu dambayn saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2025 ah.

30-sano jirkaan ayaa mar kale si joogta ah uga soo muuqday shaxda Reds xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 17 gool halka uu caawiye ka noqday 6 kale tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Salah ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ​​ugu wacnaa tan iyo Koobka Adduunka, isagoo aan wax gool ah dhalin ama caawinin afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee uu u saftay Reds.

Inkasta oo ay xiddigii hore ee Chelsea ku abaal marisay heshiis cusub xagaagii, Liverpool ayaa la filayaa in ay ka walaacsan tahay hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa waxana laga yaabaa in ay iska iibiso xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Calciomercatoweb, xiddiga kooxda Juventus ee Chiesa ayaa noqday bartilmaameedka Liverpool ee ay doonayso in ay ku badasho Salah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*