Benfica Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Chelsea Dib Ugu Cusboonaysiisay Saxiixa Enzo Fernandez

Benfica Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Chelsea Dib U Soo Celisay Ee Benfica ayaan wali wax niyad ah u hayn in ay iska iibiso Enzo Fernandez bishan inkasta oo ay chelsea isku diyaarinayso in ay dib u soo noolayso xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka.

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa dalab ay wakhti dambe ka gudbiso xiddiga si ay u dhamaystirto saxiixiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa horey u sameysay lix saxiix suuqa January iyada oo kooxda keentay xiddigaha ay ka midka yihiin Mykhailo Mudryk, Benoit Badiashile, Joao Felix,

Laakiin halka boos ee ay kooxdu doonayso in ay iska xoojiso ayaa ah khadka dhexe, Blues ayaana aad u doonaysa in ay xoojiso booskaas ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Chelsea ayaa aad isugu dayday saxiixa xiddiga Fernandez bilowgii suuqa laakiin wadahadalada ayaa bur-buray.

Saacadihii ugu dambeeyay waxa soo baxay warar sheegaya in ay chelsea dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga khadka dhexe.

Laakiin Kooxda Benfica ayaa u sheegtay chelsea in uuna xiddigu iib ahayn suuqa January isla markaas aanu kooxda ka tagi doonin ilaa la bixiyo lacagta 120 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*