Dib U Eegid: Haaland Oo Ay 19 Kulan Ku Qaadatay In Uu Jabiyo Rikoodh Uu Halyeey Man United Ah Ka Dhigay Premier League.

Xiddiga Erling Haaland ayaa sii wada wacadarihii uu ka dhigayay horyaalka premier League kadib markii uu guul ku hogaamiyay kooxdiisa kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiga Haaland ayaa dhaliyay saddexley waxana uu kaligiis u shaqeeyay kooxdiisa 3-da dhibcood ee kulanka muhiimka u ahaa Citizen.

Haaland ayaa dhaliyay saddexleydii 4-aad ee premier League kadib markii uu ciyaaray 19 kulan horyaalka premier League.

Sidaas darteed waa xiddigii ayaa dhaliyay 4 saddexley kadib 19 kulan oo uu ka ciyaaray horyaalka premier League.

Haaland ayaa jabiyay rikoodhkii uu halyeeyga Man United ee Ruud Van Nisterlooy dhigay dhinaca saddexleyda isaga oo ahaa xiddiga ugu dhakhasaha badan dhalinta dhinaca saddexleyda isaga oo u baahday 65 kulan si uu u dhaliyo 4 saddexley.

Laakiin Haalan ayaa haatan ah xiddiga ugu dhakhsaha badan ee dhaliyay saddexleyda isaga oo kaliya u baahday 19 kulan si uu u dhaliyo 4 saddexley.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*