Juventus Oo Ka Fal Celisay 15-kii Dhibcood Ee Laga Gooyay.

Kooxda reer Talyaani ee Juventus, ayaa soo saartay bayaan rasmi ah, oo ay kaga jawaabayso go’aankii maxkamadda Midowga Yurub, ee ahaa in 15 dhibcood laga jaro horyaalka Talyaaniga kadib dacwadii lagu soo oogay ee is daba marinta lacagaha.

Maxkamadda Racfaanka Federaalka ayaa aqbashay codsigii xeer ilaaliyaha FIGC ee ahaa in dib loo furo dacwadda ka dhanka ah Juventus ee lagu eedeeyay is daba marinta waxana laga jaray 15 dhibcood ee horyaalka Talyaaniga.

Hadda Juventus ayaa ku jirta kaalinta tobnaad ee kala sarreynta horyaalka Talyaaniga, iyadoo leh 22 dhibcood, isla markaana aan lahayn agaasime dhanka ciyaaraha ah, maadaama Federico Cherubini uu ganaax ku maqnaa muddo 16 bilood ah.

Kooxda reer Talyaani ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso inay bilowday habraacii racfaanka, wuxuuna u dhacay sidan.

“Waxay u muuqataa in aqbalka codsiga maxkamadda federaalka ayaa ka dhigan mid cadaalad darro marka loo eego sida loola dhaqmay Juventus, iyo agaasimayaasheeda, marka loo eego kooxaha kale.”

“Waxaan rajeyneynaa inaan si taxadar leh u raacno sababaha aan u aqbalnay racfaanka, si kastaba ha ahaatee, waxaan tilmaameynaa in kaliya Juventus iyo agaasimayaasheeda lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga, waxana cadaalada ciyaaruhu qiratay marar badan in ayna jirin wax khalad ah”.

“Waxa dhacay sidoo kale waa cadaalad darro cad oo lagula kacay malaayiin taageerayaasha adduunka ah, waxaana ku kalsoonnahay in arrintan la sixi doono dhawaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*