Xiddig U Ciyaara Barcelona Oo Qirtay Jacaylka Uu U Qabo Cristiano Ronaldo Waliba Qirtay In Uu Isaga Dirtiis U Doonayo In Uu Ugu Biiro Juve

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa qirtay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Juventus si uu uga garab ciyaaro xiddiga Critaino Ronaldo.

Xiddiga Ivan Rakitic ayaa muddo lala xidhiidhinayay ka tagista kooxda Barcelona iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo ay ka mid yihiin Juventus iyo waliba kooxo kale.

Xiddiga reer Croatia ee Rakitic ayaa qirtay in uu aad u jecelyahay xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo waliba doonayo in uu ka garab ciyaaro.

Isaga oo la hadlaya wargayska MARCA ayaa yidhi”Cristiano Ronaldo waa mid ka ah xiddigaha ugu fiican taariikda kubada cagta waanan jecelahay daawashada ciyaartiisa waxana uu haatan si fiican ugu  ciyaaraa Juventus”.

“Shaki La’aan waan jeclaan lahaa in aan ka garab Ciyaaro Cristiano Ronaldo mustaqbalka Dhaw”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*