XASAASI: Man City Oo Lagu Soo Waramayo In Loo Dhaadhicinayo Horyaalka Heerka 3-aad Ee England Kadib Ganaaxii UEFA.

Kooxda Man City ayaa lagu soo Waramayaa in ay Wajahayso suurtagalnimo looga dhaadhicin karo horyaalka Premier League loona dhaadhicinayo heerka 2-aad ee EFL League Two sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Man City ayaa ganaax adag oo aan horay loo arkin kala kulantay xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA kadib markii lagu helay Dambi ah in ay jabisay xeerka dhaqaale waaaga.

Kooxda Man City ayaa gadhka loo galiyay ganaax 2 sano ah oo ayna ka qayb qaadan doonin tartanka champions League iyo waliba lacag dhan 30 milyan oo euro.

Wargayska Independent ayaa sheegaya in xidhiidhka Premier League haatan ka fiirsanayo in uu Man City ka jaro dhibco kadib dambiga lagu helay.

Isla wargayska ayaa sheegaya in madaxda xidhiidhka premier League dhawaan kulmi doonaan si ay u gaadhaan gaxaana ay Man City u qalanto kadib Dambiga lagu helay.

Wargayska ayaa sheegaya in uu jiro is badal dhawaan lagu sameeyay heerarka kala duwan ee Engaldn ee kubada cagta kaas oo ah in hadii koox ka mid ah heerka sare lagu helo dambi adag in si toos ah loogu dhaadhiciyo heerka 3-aad ee League Two.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*