XASAASI: Kadib Ganaaxii Champions League, Man City Oo Haatan Dusha Laga Saarayo Ganaax Premeir League Ah, Maxaa Lala Maaganyahay Markan?

Kooxda Man City ayaa shalay si Lama filaan ah dusha looga saaray Ganaax laba sano oo Champions League ah kadib markii lagu helay Dambi ah in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga.

Wargayska Independent ayaa haatan sheegaya in ay Man City wajahayso ganaax uga yimaada horyaalka premier League kaas oo ah in laga jaro dhibco ka mid ah dhibcaha ay shaqaysatay horyaalka ixlli ciyaareedkan sabab la xidhiidha jabinta xeerka dhqaaqle wanaaga ee Dalka England dhexdiisa.

Kooxda difaacanaysa Horyaalka ee Man City ayaa jimcihii dusha laga saaray ganaax aan horay loo arag kadib markii laga ganaaxay ka qayb galka tartanka Champions league muddo 2 sano ah iyo waliba lacag dhan 30 milyan oo euro ah kadib markii ay UEFA heshay in ay kooxdu jabisay xeerka dhaqaale wanaaga intii u dhexaysay 2012 ilaa 2016.

Wargayska ayaa haatan sheegaya in Xidhiidhka Premier League dhankiisa Man City ku ganaaxi doono in uu ka jaro dhibco premier League ah sabab la xidhiidha in UEFA arintaas ka dalbatay.

Man City ayaa dhankeeda warbixin ka soo saartay ganaaxa iyaga oo sheegay in ay Racfaan ka qaadan doonaan waliba Dacwadooda ula tagi donaan maxkamada sare ee kubada cagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*