War Cusub: Odion Ighalo Oo Seegi Doona Kulanka Chelea Ee Isniinta & Sababta Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu saxiixa cusub ee kooxda Man United ee Odion Ighalo seegi doono kulanka adag ee ay Man Unitedla ciyaari doonto kooxda Chelsea ka tirsan horyaalka Premier League.

Odion Ighalo ayaa Man United ugu soo biiray heshiis amaah ah maalintii ugu dambaysay suuqa January isaga oo kaga soo biiray horyaalka Shiinaha.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay dhakhaatiirta kooxda Man United xaqiijiyeen in uu xiddiga Odion Ighalo seegi doono kulanka Ay Man United la ciyaari doonto Chelsea.

Sababta uu Odion Ighalo ku seegi doono kulankaas ayaa la sheegayaa in uu yahay Baqdin laga qabo xanuunka coronavirus kaas haatnab dilay dad ka badan 1,100 kaas oo ka dilaacay shiinaha.

Odion Ighalo ayaa sidoo kale lagu Amray in uuna tababarka ku qaadan garoonka Tababarka Man United isaga oo meel gaadh ah ku qaadanaya tababarka si ay kooxdu uga fogaato xaalad caafimaad daro.

Inkasta oo uu xiddigu haatan caafimaad qabo si fiicana tababarka u qaadanayo hadana Dhakhaatiirta kooxda Man United ayaa sheegaya in aan wali la hubin xaalada xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*