Wakiilka Mohamed Salah Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Xiddigu Seegi Doono Bilowga Xilli Ciyaareedka Dambe.

Wakiilka Mohamed Salah ee Ramy Abbas Issa ayaa sheegay in aan wali wax go’aan ah laga gaadhin ka qayb galka Mohamed Salah ee tartanka Olympic Games.

Tababaraha Xulka qaranka Masar ee 23 jirada ayaa sheegay in uu Salah ka mid yahay 3 xiddig oo waaweyn oo ka qayb qaadan doona tartanka sanadkan.

Tartanka Olympic Games ayaa bilaaban doona 22 bisha July isaga oo socon doona ilaa 8 bisha Augsut taas oo la macno ah in uu seegi doono kulamada ugu horeeya ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Wakiilka xiddiga ee Ramy Abbas Issa ayaa sheegay in aan wali wax go’aan ah laga gaadhin ka qayb qaadashada Mohamed Salah ee ciyaarahaas.

Klopp ayaa si weyn uga baqaya in ay arintaas run noqoto marka loo eego uu Salah ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda sidoo kale Reds xilli ciyaareedka dambe bilaaban doonta iyaga oo difaacanaya horyaalka premier League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*