Real Madrid Mise Barcelona? Ernesto Valverde Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan.

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa saadaaliyay in ay Real Madrid xilli ciyaareedkan ku guulaysan doonto horyaalka La Liga.

Valverde ayaa laba horyaal oo La Liga ah kula guulaystay kooxda Barcelona ka hor inta aan shaqada laga caydhin bishii hore.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaan wax is badal weyn ah ka samayn dhanka natiijooyinka iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya kooxda Real madrid ee hogaaminaysa horyaalka.

Valverde oo arintaas kala hadlaya Cadena Cope ayaa yidhi”Madrid waa koox xoogan waxana ay diirada saarayaan horyaalka”.

“Iyaga ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaystaan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kooxda Barcelona ayaa leh 49 dhibcood horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya kooxda Real Madird.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*