RASMI:Liverpool Oo Dhaqan Galisay Hal Sano Oo Ku Jiray Heshiiskiisa Alisson.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba dhaqan galisay heshiiska Hal sano oo dookh ahaa oo ku jiray heshiiskiisa Goolhaye Alisson.

Alisson Becker ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagii 2018 waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Goolhayaha reer Brazil ayaa sabab u ah in ay Liverpool ku dhawdahay ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba dhaqan galisay heshiis hal sano oo ka mid ah heshiiska uu Alisson ugu soo biray Liverpool.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Alisson qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah iyo hal sano oo dookh ah markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2018.

Sidaas darteed Reds ayaa haatan si Rasmi ah u dhaqan galisay halkii sano ee ku jiray dookha Heshiiska Goolhayaha taas oo la macno ah in uu Goolhayuhu sii joogo doono 4 sano oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*