RASMI: Chelsea & Ajax Oo Xaqiijyay Saxiixa Hakim Ziyech

Kooxda Ajax ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay kooxda Chelsea ka iibisay xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Hakim Ziyech kaas oo ku biiri doona Blues xagaaga.

Kooxda reer Holland ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Hakim Ziyech noqon doono xiddiga chelsea ah 1 bisha July ee Sanadka 2020 isla marka uu dhamaado xilli ciyaareedka Ajax.

Kooxda Ajax ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay Blues kala heshiisay qiimaha xiddiga oo dhan 45 milyan oo euro kaas oo si Rasmi ah heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay Kooxda reer England.

Hakim Ziyech Ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Chelsea xagaaga isaga oo ku biiri doono kooxda marka uu si Rasmi ah u dhamaado xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale  Chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga kaas oo xagaaga ku soo biiri doona Stamford Bridge.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*