De Bruyne, Pepe, Ramsey, Isco, Pogba, Aubameyang, Firmino, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Kala iibsiga ayaan furnayn waxana uu xidhmay jimcihii laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in la jiijiyay dhaq-dhaqaaqa suuqa iyada oo kooxuhu ku jiraan isku diyaarinta xagaaga iyaga oo si gaar ah ula socda xiddigaha ay doonayaan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu Iska iibiyo xiddiga Nicolas Pepe Xagaaga hadii uu tayadiis muujin waayo inta ka dhamina xilli ciyaareedkan (Express).

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa doonaya in uu premier League ku soo celiyo Philippe Coutinho xagaaga (Express).

Man United ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey hadii ay Iibiso Paul Pogab (Express).

Kooxda Chelsea ayaa xiiso dhab ah u qabta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco (El Desmarque).

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in uu Jadon Sancho u qalmo lacag walba oo laga bixiyo (Express).

Kooxda Arsenal ayaa Inter Milan u sheegtay in ay miiska saarto lacag dhan 80 Milyan oo Euro hadii ay doonayso saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang (Express).

Liverpool ayaa wadahadalo la furtayy kooxda Benfica oo ay ka doonayaan sxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Carlos Vinicius kaas oo ay u arkaan Badalka Roberto Firmino (AS).

Taageerayaasha Man United ayaa maamulka kooxdooda ka codsaday in ay Ka Faa’iidaystaan ganaaxa Man City una dhaqaaqaan Tababare Pep Guardiola (Sun).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa isgaa tagi doona kooxda Man City hadii ay kooxdu ku fashilanto Racfaanka ay ka qaadanayso ganaaxa laga saaray champions League (Sun).

Taageerayaasha Liverpool ayaa sidoo kale Maamulka Kooxooda ka dalbaday in ay baanka u jabiyaan saxiixa xiddiga Kevin De Bruyne kana faa’iidaystaan Ganaxaa Citizen (Exprss).

Man United ayaa diyaar u ah in ay 80 Milyan oo euro hoos ugu dhigto qiimaha xiddiga Paul Pogba (Guardian).

Arsenal ayaa dhankeeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco (Sun).

Xiddiga James Maddison ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United ka hor tartanka Euro 2020 (Manchester Evening News).

Kooxda Inter Milan ayaa Barcelona u sheegtay in ay Miiska sarto xiddiga Antoine Griezmann hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga Lautaro Martinez (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Eric Dier (Star).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*