Pep Guardiola Oo Kashifay Marka Laga Caydhin Doono Shaqada Man City

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in uu khatar ugu jiro in laga caydhiyo shaqada Man City hadii ay kooxdu guuldaro kala kulanto Real Madrid.

Man City ayaa marti u noqon doona Real Madrid lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League 26 bishan haatan lagu jiro ka hor inta aan kulanka 2-aad lagu ciyaarin Etihad 17 bisha dambe ee March.

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday hadalka Guardiola oo yidhi”Hadii aanan ka badin Real Madrid waxa laga yaabaa in la iga caydhiyo shaqada Man City”.

Dhanka kale Guardiola ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Juventus xilli ay kooxdiisu xilli ciyaareed xun ku jirto horyaalka premier League 22 dhibcoodna ka dambayso kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Liverpool.

Man City ayaa si aad ah u doonaysa in ay xilli ciyaareedkan ku guulaystaan champions League marka loo eego in ay ka quusteen horyaalka premier League.

Laakiin City ayaa ku dhacday kooxda Real Madrid oo ku jirta wakhtigeedii ugu fiicnaa tan ilaa markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*