Pep Guardiola Oo Ka Fiirsanaya Mustaqbalkiisa Man City Heegana Galiyay Juventus.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda Man City xagaaga hadii ay Kooxdu ku fashilanto in ay Racfaan ka qaadato ganaaxa labada sano ah ee laga saaray tartanka Champions League.

Jimcihii ayaa shaaca laga qaaday in UFEA ganaax 2 sano ah iyo waliba lacag dusha ka saartay Man City kadib markii ay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga ee xidhiidhka yurub.

Man City ayaa haatanba shaaca ka qaaday in ay Racfaan ka qaadan doonaan gaxana inkasta oo ay haatan xaqiiqo tahay in ayna Man City ka qayb qaadan doonin tartanka champions League labada sano ee soo socota.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Guardiola isaga tagi doono kooxda hadii aanay kooxdu Racfaan ka qaadan ganaaxa laga saaray tartanka champions League.

49 jirkan ayaa kooxda Ma City hogaaminaya tan ilaa July 2016 waxana uu heshiiskiisa haatan dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Xilli ciyaareedkan Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ayaa 22 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Liverpool.

Waxa xusid mudan in uu xiddiga Kevin De Bruyne sidoo kale ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda kadib ganaaxii UEFA la saaray Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*