Odion Ighalo Oo Laga Ganaaxay Tababarka Man United & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga cusub ee kooxda Man United Odion Ighalo ayaa laga ganaaxay garoonka tabaabrka kooxda Man United sabab la xidhiidha baqdin laga qabo xanuunka coronavirus.

Ighalo ayaa Ahaam Ugu soo Biiray Man Unied isaga oo kaga soo biiray kooxda shiinaha ee Shanghai Shenhua waxana uu la shaqaynayay tababare shaqsi ah isaga oo ku tababaranayay meel gaar ah oo ku taala Manchester.

Weeraryahanka ayaa lagu amray in uu tababar ku qaato meel ka baxsan garoonka tababarka Man United sabab la xidhiidha arimo caafimaad oo la xidhiidha xanuunka ka dilaacay shiinah kaas oo hatanba dilay in ka badaln 1,100.

Ighalo ayaan u safrin Spain halkaas oo ay xiddigaha Man United tababar ku qaadanayaan sababo la xidhiidha in loo diido in uu ku soo laabto England sabab ka xidhiidha xanuunka maadama uu 14 maalin ka hor yimid England.

Laakiin waxa haatan la ogaaday in ay Man Unuted sidoo kale u diiday xiddiga in uu tababar ku qaato garoonka tababarka ee kooxda Man United iyada oo wali la baadhayo xaaladiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*