Neymar, Sancho, Werner, Coutinho, Saka, Modric, Martinez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Kala iibsiga ayaan furnayn waxana uu xidhmay jimcihii laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in la jiijiyay dhaq-dhaqaaqa suuqa iyada oo kooxuhu ku jiraan isku diyaarinta xagaaga iyaga oo si gaar ah ula socda xiddigaha ay doonayaan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho xilli ay haatanba wadahadalo la fureen kooxda Borusia Dortmund (Mail).

Taageerayaasha Liverpool ayaa dalbaday in ay kooxdoodu iska iibiso xiddiga Mohamed Salah hadii ay la soo saxiixdaan Jadon Sancho (Express).

Dortmund ayaa go’aamisay in ay Sancho u ogolaan doonto in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (telegraph).

Man United ayaa isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga haatan ku biiray chelsea ee Hakim Ziyech si ay badalkiisa ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Jadon Sancho (Standard).

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa diyaarinaya dalab dhan 35 milyan oo euro oo ay ku dalbanayaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Birmingham ee Jude Bellingham (Sun)

Kooxda Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay bisha April bixiso lacagta 46 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga RB Leipzig ee Timo Werner (Bild).

Xiddiga kooxda Barcelona ee haatan Amaahda ugu jooga Bayern Munich ee Philippe Coutinho ayaa meesha ka saaray in uu ku laabanayo kooxda Liverpool (Sun).

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa isha ku haya xaalada xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Ska (Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton ee Moise Kean (Teamtalk).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo heshiis cusub ah la furtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Matteo Guendouzi (Football London).

Kooxda Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigatay Goolhayaah Amaahda uga maqan kooxda Man United ee Dean Henderson si ay ugu badasho Kepa (TeamTalk).

Kooxda PSG ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ay ka dhigayso xiddiga ugu mushaharka badan aduunka (AS).

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay Inter Milan u soo bandhigto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric si ay u hesho saxiixa daafaca Milan Skriniar (El Desmarque).

Kooxda Barcelona ayaa mar kale isku dayi doonta in ay hesho saxiixa Xiddiga Kooxda PSG ee Neymar kadib markii uu Lionel Messi Dalbaday (El Confidencial).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay miiska saarto lacagta 111 milyan ee lagu qiimeeyo xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*