Muxuu Jack Grealish Xiddigaha Ay Isku Kooxda Yihiin Uga Sheegay Man United?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa xiddigaha ay isku kooxda yihiin Aston Villa u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Man United xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Kabtanka Aston Villa ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ay kooxdiisu u dagaalamayso in ay sii joogto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayuu ku soo jiitay qaab ciyaareedkiisa laakiin wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in uu Jack Grealish xiddigaha ay isku kooxda yihiin u sheegay in uu ku biiri doono Man United.

Kooxda Man United ayaa bartilmaameedka ugu weyn ka dhigatay xiddiga Jack Grealish xolli uu tababare Ole Gunnar Soslkjaer doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxdiisa.

Xiddiga Jack Grealish ayaa kooxda Aston Villa kula jira heshiis socon doona ilaa xagaaga 2023 sidaas darteed waxa ay magacaaban doontaa qiimo sax ah oo ay ku iibiso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*