Maxi Allegri Oo Ogolaaday In Uu Tababare U Noqdo Koox Weyn Oo Premier League Ah

Tababarihii hore ee kooxda Juventus Maxi Allegri ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu tababare u noqdo koox weyn oo reer Italy ah sida ay sheegayaan wararku.

Allegri ayaa horay loola xidhiidhin jiray kooxda Man intii uu tababaraha u ahaa kooxda Juventus.

Allegri ayaa isaga tagay shaqada Juventus dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu kooxda reer Italy kula guulaystay 5 horyaal oo Serie A-da ah oo xidhiidh ah.

Laakiin waxa soo baxay warar la xidhiidhinayay ku laabashada Juventus si uu u badalo tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Maurizio Sarri.

Ac Milan ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay tababare Allegri laakiin wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu tababaraha 52 jirka ah Haatanba heshiis la meel dhigay koox weyn oo reer England ah.

Ilaa haatan lama oga kooxda ay tahay kooxdaas laakiin Allegri ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United.

United ayaa ku adakaysanaya in tabbaraha haatan ee Ole Gunnar Solskjaer la siin doono wakhti ku filan oo uu ku dhiso kooxda.

Man City ayaa ah koox kale oo uu Allegri ku biiri karo marka loo eego in uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka tababare Pep Guardiola kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tago kooxda Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*