Man United, Chelsea Mise Liverpool? Jadon Sancho Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa lagu soo warmayaa in uu doortay in uu ku biiro kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer England ee Sancho kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican wakhti xaadirkan kubada cagta.

Sancho ayaa isaga tagaya kooxda Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdiisu dul dhigtay madaxa xiddiga reer England lacag dhan 100 milyan oo euro.

Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa markii hore ku tartamayay saxiixa xiddiga laakiin Liverpool ayaa ku biirtay tartanka saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa doonaya in uu Sancho ku xoojiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe xilli uu doonayo in uu u tartamo koobab kale.

Wargayska Express ayaa sheegaya in uu Sancho Doortay in uu ku biiro Liverpool xagaaga sabab la xidhiidha in uu xiddigu u arko Liverpool kuwo sanadaha soo socda u tartami doonta koobab marka loo bar-bar dhigo Man United & Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*