Liverpool Oo Man United & Chelsea Ku Garaacaysa Saxiixa Jadon Sancho & 3 Arimood Oo Sabab U Ah.

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay saxiixa Jadon Sancho ku garaacdo koxaha Man United iyo Chelsea waxana ay rumaysanyihiin in ay ku garaaci karaan sabab la xidhiidha 3 arimood.

Reds ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu Borussia Dortmund u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

19 jirka ayaa joogay Germany tan ilaa xagaagii 2017 waxana uu u muuqdaa in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sancho ayaa lala xidhiidhiyay kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin kooxaha Man United, Chelsea, PSG, Real Madrid iyo waliba kooxo kale oo badan.

Laakiin Liverpool ayaa haatan hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyaga oo haatanba wadahadalo la qaatay kooxda Borussia Dortmund si ay u helaan xiddiga 19 jirka ah.

Liverpool ayaa aaminsan in 3 arimood ka caawin doonaan in ay saxiixa Sancho ku garaacaan kooxaha Man United iyo Chelsea marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sababta 1-aad ayaa ah xidhiidhka Fiican ee uu Jurgen Klopp la leeyahay kooxda Borussia Dortmund halkaas oo uu tababare ka soo ahaa muddo 7 sano ah.

Sababta 2-aad ayaa ah Saxiixa ay Shirkada Nike dhawaan la gashay Liverpool waxana ay Isla shirkadaas heshiis la gashay xiddiga Jadon Sancho waxana ay fududaynaysaa in ay Liverpool hesho saxiixa xiddiga.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah xidhiidhka uu Sancho la leeyahay 4 xiddig oo Liverpool ah oo u ciyaara sidoo kale xulka England kuwaas oo kala ah Trent Alexander-Arnold, Alex Oxlade-Chamberlain, Jordan Henderson & Rhian Brewster.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*