Liverpool Oo 4 Xiddig U Isticmaalaysa In Ay Man United Ku Garaacdo Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay 4 xiddig oo kooxdeeda jooga u adeegsanayso in ay Man United ku garaacdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho sid ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa Man United kula biirtay saxiixa xiddiga 19 jirka ah kaas oo ay u dhaqaaqi doonaan saxiixiisa marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga xagaagu dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kooxda ku haystay xiddigaha Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino kuwaas oo haatan ku dhaw in ay kooxda ku hogaamiyaan horyaalka.

Laakiin Klopp ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro xiddigo kale oo weerarka ah waxana uu doortay Sancho oo uu u arko mid xoojin kara kooxdiisa.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Liverpool ka go’antahay in ay xiddiga reer England keenaan Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool soo xero galinta xiddiga u isticmaalayso xiddigaha Alex Oxlade-Chamberlain, Jordan Henderson, Trent Alexander-Arnold Iyo Rhian Brewster kuwaas oo ay xidhiidh fiican wada leeyihiin xiddiga reer England.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*