Kevin De Bruyne Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiis Man City Kadib Ganaaxii Man City Ee Champions League

Xiddiga Kooxda Man City ee Kevnin De Bruyne ayaa go’aansaday in uu isaga tagokooxda Man City kadib markii kooxda dusha laga saaray ganaax 2 sano ah oo ayna ka qayb gali doonin tartanka.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka premier League ayaan ka qayb qaadan doonin tartamada yurub kadib markii UEFA dusha ka saartay ganaax 2 sano ah iyo waliba 30 milyan oo euro.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee De Bruyne oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda mustaqbalka dhaw.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 18 kale 31 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Shaki La’aan De Bruyne ayaa heli doona xiiso badan oo uu ka helo kooxaha ugu waaweyn yurub marka loo eego in uu xiddigu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*