Inter Milan Oo Barcelona Hor Dhigtay Halka Shardi Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Lautaro Martínez, Maxaa Looga Baahanyahay?

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Hal shardi hordhigtay kooxda Barcelona hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Lautaro Martínez marka la gaadho xagaaga.

Barcelona ayaa xiddiga Lautaro Martínez ku darsatay qorshaha ay ku xoojinayso weerarka dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 111 milyan oo euro.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan dhigeeda Barcelona hordhigtay hal shardi kaas oo ah in ay miiska saaraan xiddiga Antoine Griezmann hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga reer Argentine.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba wadahadalada la bilowday Inter Milan kadib markii ay ogaadeen in ay Real Madrid ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Qaab ciyaareedka Lautaro Martínez  ayaa soo jiitay kooxaha ugu waaweyn yurub kadib markii uu soo bandiga qaab ciyaareed cajiib ah labadii sano ee ugu dambaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*