Halka Uu Jadon Sancho Ka Gali Karo Shaxda Liverpool Hadii Uu Ku Soo Biiro Reds, Xiddig Weyn Ayuu Booska Kala Baxayaa

Kooxda Liverpool ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund  ee Jadon Sanchoiyaga oo Reds haatanba wadahadalo la furay kooxda reer Germany.

Reds ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta 100-ka milyan ee ay Dortmund ku qiimayso xiddiga reer England si ay u keento Anfield xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Jurgen Klopp oo taageere u ah xiddiga 19 jirka ah ayaa doonaya in uu Sancho ka dhigo saxiixa ugu qaalisan ee kooxda marka la gaadho suuqa xagaaga kuna xoojiyo kooxdiisa.

Wargayska Tribuna ayaa soo saaray shaxda ay Reds ku ciyaari doonto hadii uu Sancho ku soo biiro Liverpool marka la gaadho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Shaxda uu wargaysku so saaray ayaa sheegaysa in uu Sancho booska kala bixi doono xiddiga haatan ugu fiican kooxd ee Mohamed Salah isaga oo weerarka la hogaamin doona xiddigaha Mane iyo Firmino.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*