Goolhaye Wacdaro Ka Dhigaya Premier League Oo Man United Iska Nacday Oo Dagaal Adag Dhex-Dhigay PSG, Chelsea & Tottenham.

Kooxaha PSG, Tottenham iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay tartan Faraha looga gubanayo ugu jiraan saxiixa Goolhayaha kooxda Man United ee Dean Henderson kaas oo haatan qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Sheffield United oo uu Amaah ugu joogo.

Goolhaye Henderson ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaadanayo kooxda Sheffield United isaga oo ah Goolhayaha kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashaday horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Sheffield United ayaa doonaysa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga 22 jirka ah marka loo eego in ayna Man United wax dan ah ka lahayn Qaab ciyaareedkiisa.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in laba ka mid ah Kooxaha ugu waaweyn Premier League ee Chelsea iyo Tottenham si dhab ah u doonayaan saxiixa Goolhayaha sidoo kale tartan adag kala kulmayaan kooxda PSG oo Goolhayaha doonaysa in ay hesho saxiixiisa.

3-da Kooxood ayaa isku diyaarinaya in ay Dagaal Fool-ka-Fool ah u galaan saxiixa Goolhayaha marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga xagaagu.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*