Ceebteeda Ma Ahane Waa Caadadeed: Juventus Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Xor Ugu Dhaqaaqdo Willian

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinaysa in ay si xor ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian.

Heshiiska 31 jirkan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxnaa uu ilaa haatan diidan yahay in uu heshiis cusub u saxiixo sababo kala duwan awgeed.

Barcelona ayaa doonaysay saxiixa xiddiga iyaga oo xagaagii 2018 ka soo gudbiyay dalab 60 milyan ah laakiin Chelsea ayaa diiday halka ay suuqii January ee bishii dhawayd sidoo kale Barcelona ku doonaysay 20 Milyan.

Laakiin Wargayska Express ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Juventus haatan ku biirtay tartanka iyaga oo waliba kor u qaaday dadaalka ay ku doonayaan saxiixa xiddiga.

Waxa la fahamsan yahay in ay Chelsea kaliya diyaar u tahay in ay xiddiga u soo bandhigto heshiis hal sano ah laakiin xiddiga ayaa doonaya ugu yaraan heshiis 2 sano ah.

Taas ayaa keentay in Juventus oo looga bartay in ay xor ugu dhaqaaqdo sanadihii ugu dambeeyay haatan isku diyaarinayso in ay Willian xagaaga ka dhigto saxiixeedii ugu dambeeyay ee xorta ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*