Barcelona Oo Loo Qabtay Wakhti Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Uu U Ogolayahy Heerka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa loo qabtay kaliya 72 saac si ay u dhamaystirtay saxiixa xiddig ay ku badasho xiddigaha dhaawacmay ee Ousmane Dembélé iyo Luis Suarez.

Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa kala iibsiga hadana Xeerka Spain ayaa Barcelona u ogolaanaya in ay la soo saxiixato xiddig ka ciyaara Dalka Spain si ay ugu xoojiso kooxda.

Shabakda Goal ayaa sheegtay in xidhiidhka Spain kooxda Barcelona u sheegay in ay kaliya haystaan 72 saac si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddig cusub.

Kooxda Barcelona ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay hesho xiddig munaasib ah iyada oo kooxda Real Sociedad diiday dalabkii ay Barcelona ku dalbatay xiddiga Willian Jose.

Barcelona ayaa haatan wakhtiga tartan la galaysa si ay u dhamaystiro saxiixa xiddig cusub hadii ayna wakhtigaas ku dhamaystirin saxiixa aan wax xiddig ah la soo saxiixan karin.

Waxa xusid mudan in xididga haatan ku soo biira Barcelona kaliya ciyaari karo tartanka La Liga oo uuna ka qayb qaadan karin Champions League maadama ay Barcelona wakhti hore gudbisay liiska xiddigaha uga qayb qaadanaya tartanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*