Arsenal Oo Man United & Liverpool Uga Cabsanaysa Xiddig U Ciyaara Kooxdeeda.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ka cabsi qabto in ay kooxaha premier League u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Bukayo Saka.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Arsenal isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kadib markii uu fursad ka helay shaxda kooxda.

Bukayo Saka ayaa u soo dalacay kooxda 1-aad markii uu Unai Emery joogay kooxda isaga oo ilaa haatan sii wada qaab ciyaareedka cajiibka ah ilaa haatan oo uu kooxda hogaaminayo Mikel Arteta.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxaha Man United iyo Liverpool si gaar ah ula socdaan xiddiga da’yarka ah

Saka ayaan mushahar fiican ka qaadan kooxda Arsenal waxana heshiiskiisa haatan ka dhiman kaliya 18 bilood xilli ay Arsenal ka wal-walsantahay mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*