Arsenal Oo Inter Milan U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Ogoshahay in ay Inter Milan ka iibiso xiddiga weerarka ka ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si ay xilli ciyaareedka dambe ugu xoojiso weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Antonio Conte ayaa dhisaya koox adag oo Inter Milan kula tartanta horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka dambe sidoo kale u tartanto Champions League

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal kadib qaab ciyaareedka cajiib ah ee uu soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray Arsenal.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal dhigeeda Inter Milan u sheegtay in ay miiska saarto lacag dhan 80 Milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*