Andy Robertson Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma In Uu Ku Guulaysto Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa sheegay in ay tahay in uu kabtanka Liverpool ee Andy Robertson u qalmo ku guulaysiga xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Scotland ayaa aaminsan in uu Jordan Henderson ka mid yahay xiddigaha ugu Fiican Adduunka waliba sabab u yahay qaab ciyaareedka Liverpool ee xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan dhalisay 60 gool waxana sidoo kale laga dhaliyay 15 gool waana inta ugu yar waxana uu Robertson aaminsan yahay in uu Henderson arintas sabab u yahay.

Robertson oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Aniga ahaan Henerson ayaa u qalma in uu ku guulysto xiddiga ugu fiican premier League, kulamada qaar marka aanu dhibaatoono xilli ciyaareedkan isaga ayaa horay noo riixayay”.

“Henderson ayaa sabab u ahaa in aanan Is dhiibon, waxa uu mararka qaar noo dhaliyaa goolal Muhiima ah”.

“Waa in uu helo Amaanta uu u qalmo sababta oo ah waa kabtan cajiib ah waxana uu nagu hogaamiyay 3-da dhibcood kulamo badan oo nagu adkaa xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*