Afar Xiddig Oo Uu Hakim Ziyech Sabab U Noqon Karo In Ay Ka Tagaan Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Hakim Ziyech kaas oo ku soo biiri doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa Hakim Ziyech ka soo bixisay lacag dhan 45 milyan oo euro isaga oo noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Chelsea ee xagaaga.

Imaatinka Hakim Ziyech ayaa keeni doona in ay Stamford Bridge ka tagaan xiddigo 4 ah kuwaas oo haatan jooga kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagu.

Xiddigaha Pedro iyo Olivier Giroud ayaa ugu horeeya Liiska xiddigaha uu Hakim Ziyech ka caydhin doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale xiddigaha Willian iyo Michy Batshuayi ayaa isaga caraabi doona kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Willian Iyo Pedro  ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan halka xiddigaha Michy Batshuayi & Olivier Giroud ayna haatanba boos joogto ah ka haysan kooxda Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*