Xidhiidhka FA-ga Oo Ka Jawaabay Racfaankii Arsenal Doonaysay In Ay Ganaaxa Kaga Dhinto Aubameyang

Xidhiidhka Kubada cagta England ee FA-ga ayaa diiday Racfaankii ay Arsenal ku doonaysay in ay ku yarayso ganaaxa weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo kaadhka cas loo taagay sabtidii hore kulan ay Gunners la ciyaaraysay Crystal Palace.

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa daqiiqadii 68-aad loo taagay kaadhka digniinta ah kadib khalad ku galay xiddiga Max Meyer laakiin VAR ayaa soo dhex gashay sababna u noqotay in Pierre-Emerick Aubameyang loo taago kaadhka cas ee tooska ah.

Arsenal ayaa maanta xidhiidhka FA-ga ka gudbisay dalab ay ku doonaysay in ay ka yarayso 3-da kulan ee gaanaxa ah laakiin xidhiidhka ayaa Arsenal ka diiday dalabkaas.

Arsenal ayaa haatan weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang waayi doonto kulamada Shefffeild United, Chelsea iyo Bournemouth.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*