Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo Harry Kane & Raheem Sterling Ku Garaacay Xiddigii Ugu Fiicnaa Sanadka 2019.

Xidhiidhka kubada cagta England ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ku guulaystay xiddiga ugu fiican England sanadkii 2019.

Xidhiidhka ayaa bogooda Twiiter-ka ku xaqiijiyay in uu Jordan Henderson ku guulaystay xiddiga ugu fiican England sanadkii 2019 kadib sanad cajiib ah oo uu soo qaatay.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling iyo kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane.

Jordan Henderson ayaa ku guulaystay 3 koob oo kooxdiisa ah halka uu sidoo kale xulka qaranka England 7 kulan u ciyaaray xulka qaraniisa isaga oo ka caawiyay in uu u soo boxo tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*