Xavi Oo Ugu Dambayn Kashifay Sababta Uu U Diiday Barcelona

Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u diiday in u tababare u noqdo kooxda Barcelona maalmo kadib markii uu xaqiijiyay in uu wadahadalo la qaatay kooxdiisii hore si uu shqada uga badalo Ernesto Valverde.

Xavi ayaa sheegay in sababtii uu u diiday shaqada tababaranimo ee Barcelona tahay in uu dareensan yaahy in ay wakhti hore ku tahay in uu tababare ka noqdo kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa dalab Rasmi ah u soo bandhigtay xiddigeedii hore todobaadkii hore xilli ay doonayeen in ay ku badalaan Ernesto Valverde laakiin Xavi ayaa diiday.

“Waxa aan dalab ka helay Barcelona kadib markii aan la kulmay Eric Abidal iyo Oscar Grau”ayuu Xavi qirtay.

“Laakiin maan aqbalin.

“Waxa ay igu tahay wakhti hore in aan noqdo tababaraha Barcelona laakiin wali waa riyadayda in aan maalin tababare u noqdo kooxda”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*