XASAASI: Man United Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Kalidou Koulibaly & Wakhtiga Uu Ku Soo Biiri Doono Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kas oo ay ka bixinayso lacag dhan lacag kor u dhaafaysa 60 milyan oo euro.

Kalidou Koulibaly oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha Tottenham, Arsenal, Man City Iyo Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay Man united ku garaacday saxiixa xiddiga reer Senegal.

28 jirka ayaan la filayn in uu Man United ku soo biiro bishan laakiin waxa la filayaa in uu United ku soo biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga dambe.

Saxafiga reer Italy ee Fabio Santini ayaa qarxiyay warka isaga oo TV-ga Il Processo u sheegay”Napoli waxa ay Kalidou Koulibaly ka iibin doontaa Man United, heshiisku waxa uu ku kacayaa 70 ilaa 75 milyan oo euro waxana ay u muuqataa in uu heshiisku haatana dhacay”.

“Xiddiga Kalidou Koulibaly Man United kuma soo biiri doono suuqa January ee bishan Laakiin waxa uu iman doonaa bisha June”ayuu hadalka sii raaciyay

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*