XASAASI: Lionel Messi Oo Ku Biiri Kara Kooxda Liverpool

Taageerayaasha Liverpool ayaa loo sheegay war ay ku farxaan kadib markii la sheegay in uu xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ku biiri karo Liverpool mustaqbalka.

Xiddiga Barcelona ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta waxana riyada koox walba in ay hesho saxiixiisa inkasta oo uu xirfadiisa ku qaatay kooxda Barcelona.

Laakiin Wiilka kubada cagta ee Francis Nkwain ayaa sheegay in ay kooxda Liverpool ugu cad-cadahay kooxda heli kara saxiixa xiddiga hadii uu ka tago Barcelona.

Arintaas ayaa ku xidhan in ay Liverpool laftoodu doonayaan saxiixa xiddiga kaas oo ay ku heli karaan lacag aad u badan inkasta oo uuna haatan ku jirin wakhtigii da’yarka ahaa.

Francis Nkwain oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Liverpool waxa ay ku jirtaa wakhti fiican”.

“Waa koox uu Lionel Messi ku biiri karo hadii uu isaga tago kooxda Barcelona, Liverpool waa koox uu doonayo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*