WARBIXIN: Shan Dhibaato Oo Hor Taala Tabaabaraha Cusub Ee Barcelona

Kadib markii uu la wareegay kooxda Barcelona bartamaha xilli ciyaareedkan iyaga oo waliba hogaaminaya horyaalka Quique Setien ayuu dusha ka saaran yahay cadaadis xoogan si uu xilli ciyaareedkan ugu dhamaystirto koobab.

Marka laga yimaado ku guulaysiga koobabka Quique Setien ayay hor yaalaan xalinta 5 dhibaato kuwaas oo u baahan in laga xaliyo Barcelona.

1.La Soo Saxiixashada Weeraryayan:

Luis Suarez ayaa garoomada ka maqnaan doona 4 bilood kadib qaliin jilibka ah taas oo Quique Setien ku keenaysa bilaa weeraryahan toos ah waxana uu u baahan yahay la soo saxiixashada weeraryahan ku meel gaadh ah.

Hadii uu iska dhaafo in uu la soo saxiixdo waxa uu weerarka tooska ah u isticmaali karaa xiddiga Antoine Griezmann iyada oo ay xiddigaha Ansu Fati, Ousmane Dembele Ama Carles Perez ka ciyaari karaan garabka weerarka.

2.Soo Celinta Qaabki Barcelona Ee Tiki-Taka:

Ernesto Valverde ayaa gabi ahaan dilay qaab ciyaareedkii looga bartay Barcelona ee Tiki-Taka laakiin Setien ayaa taageero weyn u ah qaab ciyaareedka Tiki-Taka waxana uu haatanba balan qaaday in uu dib u soo celin doono qaab ciyaareedkii Barcelona ee looga abrtay laakiin Tababaraha ayaa haysan doona wakhti yar marka loo eego in uu haysto kaliya bilo si uu u hir galiyo arintaas.

3.Khadks Dhexe:

Booska khadka dhexe ayaa noqon doona meelaha uu tababare Setien diirada saari doono marka loo eego in khadka dhexe muhiim ka yahay qaab ciyaareedka kooxda Barceona.

Waxa uu u baahan yahay in uu dib u soo celiyo qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Sergio Busquets iyo waliba in uu doorar u magacaabo xiddigaha Ivan Rakitic iyo Arturo Vidal.

4.Daafaca Midig:

Sergi Roberto Iyo Nelson Semedo ayaa ah dookhyada daafaca Midig laakiin labada xiddig ayaan si joogto ah uga ciyaarin booskaas.

Labada xiddigaba waxa ay booskaas ku soo darayaan waxyaabo kala duwan sidaas darteed Setien ayaa midkood dooran doona.

5.Junior Firpo:

Magacaabbista Setien ayaa war fiican u ah xiddiga Junior Firpo kaas oo aan wakhtiyo badan u ciyaarin barcelona intii uu joogay Valverde marka loo eego in uu Setien tababare u soo noqday xiddiga Junior Firpo markii ay wada joogeen Real Betis waxa uu rajaynayaa in uu ka soo saaro qaab ciyaareed fiican.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*