Wakhtiga Uu Paul Pogba Isaga Tagi Doono Man United Oo La Kashifay

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda Man United suuqa xagaaga dambe xilli ay kooxaha Real Madrid iyo Juventus baacsanayaan xiddiga sida laga soo xigtay shabakada Sky Germany.

26 jirkan ayaa la sheegayaa in uu doorbidayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhaw Sky Sport.

United ayaa doonaysa in ay haysato Pogba ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha in ayna suuqa ka helayn badalkiisa suuqa January.

Laakiin xiddiga ayaa Old Trafford isaga caraabi doona Xagaaga iyada oo Man United madaxa xiddiga dul dhigtay lacag dhan 150 milyan oo euro.

Xiddiga oo ka soo baxay Akademiyada kooxda ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah markii uu Kooxda dib ugu soo biiray isaga oo kooxda kula jira heshiis ilaa 2022 ah.

Pogba ayaa xagaagii qirtay in uu doonayo in uu isaga tago Man United si uu u raadsado tartan cusub isaga oo doonayay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*