Wakhtiga Uu Bruno Fernandes Ugu Dambayn U Soo Duuli Doono England Si Uu U Dhamaystiro Ku Biiristiisa Man United Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn u muuqata kuwo dhamaystiraya saxiixa xiddiga Bruno Fernandes sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in uu u soo duulayo England fiidnimada caawa si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu soo biirayo kooxda Man United inta lagu jiro bishan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa si shaqsi u dalbaday in loo keeno xiddiga khadka dhexe in loo keeno inta lagu jiro bishan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa oo ay dhaawacyo dileen xilli ciyaareedkan.

Wargayska Correio da Manha ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Portugal caawa fiidnimada u soo duuli doono England si uu heshiiska uu ugu biirayo United u dhamaystiro bartamaha todobaadkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Fernandes haatanba magacasalaameeyay xiddigaha kooxda Spirting Lisbon waliba Sabtidii ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxdiisa haatan.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*