United Oo Garaacday City Balse Hantiilayaasha Natiijadii Kulankii Hore Ayay Finalka EFL Cup-Isaga Xaadiriyeen Xilli Wiilasha Gunner Ku Dhameysteen 10 Ciyaartooy

Man  United ayaa hal gool ku garaacday City oo ay marti ugu ahaayeen semi finalka FA Cup-ka , sidaas oo ay tahay City ayaa finalka ugu gudubtay natiijada lugtii hore ee Old Trafford

Sheekada Labada Qeyb: Inkastoo Man ity ay maamuleysay ciyaarta hadana waxaa nasiinada lagu aaday hal gool oo ay United heshay waliba ahaa halkii isku day ee saxda ahaa ee ay United ku sameeyeen goosha Man City

City biloowgii ayay halayeen fursado xaqiiq ahaa balse waxaa si cajiib ah u bad baadinayay goolhaye De Gea kaasi oo daqiiqaddii 7-aad laba fursad xaqiiq ahaa qaab adag kaga bad baaidyay Riyad iyo Aguero.

City iyaga aya kubadnaa kubadda waliba mar waliba gaarayay aagga goosha United kuwaasi oo dhankooda kubadaha rogaal celiska ah ku tiirsanaa balse durba waa laga soo celinayay .

Marka laga yimaado fursadaha ay City qasaarinayeen , United inta badan ma aysan soo gaareyn aagga City kuwaasi oo ugu dambeyn ay gool ku heleen waxaana gool gantaal ah ka dhaliyay Matic daqiiqaddii 35-aad , goolkaas ayaa yimid ka dib Free Kick United laadeen ayay City madaxa ku soo celiyeen waxaana banaan cidlo ah ka helay Matic .

Goolkaas , waxaa ka muuqday qalad dhanka daafaca ah oo qaab qaldan ayay u istaageen City mana jirrin ilaalo laga hayay Matic , waxaana lagu nastay halkaas gool

Guud ahaan City iyaga ayaa kubadda haysatay waxa ayna gaarsiiyeen heer dhan %64, waxaana jirtay gool City laga diiday daqiiqaddii 41-aad sababo la xariira Offside waxaana dhaliyay Raheem

Soo laabashadii , United qaab wacan ayay ku biloowdeen ciyaarta waliba kubadda cagtooda waa ku daaheysay , xilli daqiiqaddii 57-aad fursad xaqaiiq ah uu ka qasaariyay Raheem xilli xittaa uu u gooyay goolhaye De Gea .

United soo laabashad waxa ay horay u soo giliyeen Daniel James oo loo saaray Greenwood , waxaana xusid mudan in hanaanka ciyaarat ay ahyd mid u furneyd labada koox
United badalkooda labaad waxa ay sameeyeen daqiiqaddii 65-aad iyaga oo soo giliyay Andreas Pereira oo loo saaray Lingard halka Man City iyana badalkooda koowaad ay soo giliyeen David Silva oo daqiiqaddii 68-aad loo saaray Riyad.

Man City daqiiqaddii 73-aad hadiyad qaali ah ayay iska diideen ka dib markii Maguire uu kubad ku hor qalday David Silva balse City oo shabaqa uu banaanaa waa ay qasaariyeen

Xilli xaalka sidaas ahaa , Man United waxaa kaarka cas ka qaatay Matic daqiiqaddii 76-aad xilli kan digniinta uu qaatay daqiiqaddii 51-aad , waxa ayna United ka dib dhacdaas soo giliyeen Juan Mata oo lo saaray Luke Shaw .

Man City dhamaadkii , waa cadaadiyeen United xilli gool raadis ahaayeen , waxaana jiray gool VAR ay ka diiday Aguero daqiiqadii 84-aad , waxaan xusid mudan in isku dayadii United ay yaaradeen ka dib kaarkii casaanka .

So waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool oo ay United ku badiyeen balse City natiijadii kulankii hore ayay isaga xaadiriyeen finalka FA Cup-ka taasi oo ah 3/2 , wax aayan City daqiiqadii 90aad saareen evin De Bruyne oo lagu badalay Stones halka Aguereo lagu badalay Jesus

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*