UEFA Oo Badashay Qaabka Shaxda Ugu Fiican Sanadka & Ronaldo Oo Sabab U Ah.

Ka Tagista Cristiano Ronaldo ee shaxda ugu fiican yurub sanadka ayaa noqotay mid ku adkaatay xidhiidhka kubada cagta yurub ee UFEFA Sidaas darteed waxa ay badaleen qaabka shaxda si ay Ronadlo boos ugu helaan.

Xiddigaha Lionel Messi, Sadio Mane & Robert Lewandowski ayaa ahaa xiddiga weerarka ah ee helay codka ugu badan helay halka uu xiddiga reer Portugal kaalinta 4-aad galay.

Dhaqan ahaan UEFA ayaa shaxdeeda sanadka u soo saarta shaxda 4-3-3 laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in UEFA ay badashay shaxda kana dhigtay 4-2-2 si ay boos ugu samayso Cristiano Ronaldo iyaga oo xitaa hal todobaad dib u dhigay soo saarista shaxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Cristiano booska kala baxay xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kante inkasta oo uu helay codka 3-aad ee ugu badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*