Tottenham Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Xidhan Doono Saxiixeeda Cusub Ee Gedson Fernandes

Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in uu saxiixeeda cusub ee Gedson Fernandes xidhan doono Lambarka No.30 kadib markii uu dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Tottenham.

Gedson Fernandes ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Tottenham samaysay waana xiddig khadka dhexe ka ciyaara iyaga oo kala soo wareegay kooxda Benfica.

Gedson Fernandes ayaa qalinka ku duugay heshiis amaah ah oo 2 sano ah iyada Spurs dookh u haysata in ay si toos ah ula wareegaan marka uu dhamaysto heshiiska 2 sano ah.

21 jirkan reer Portugal ayaa No.83 u xidhan jiray kooxda Benfica laakiin waxa uu haatan kooxdiisa cusub ee Tottenham u qaadan doonaa Lambarka No.30

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*