Tababaraha Cusub Ee Kooxda Barcelona Quique Setien Oo Hal Arin U Balan Qaaday Taageerayaasha Barcelona, Mana Ahan Koobab

Tababaraha Cusub ee kooxda Barcelona Quique Setien ayaa markii ugu horaysay la hadlay saxaafada tan ilaa markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda isaga oo taageerayaasha kooxdiisa u balan qaaday in ay kooxdu si fiican u ciyaari doonto.

Tababaraha reer Spain ayaa sharaxay sida muhiimka ah ee uu u arko kubada cagta isaga oo sidoo kale ka hadlay dareenkiisa markii uu aqbalay shaqada Kooxda.

“Waan u mahad celinayaa kooxda, ma ahayn riyadayda in aan tababare u noqdo kooxda”ayuu ku bilaabay.

“Maanta waa maali khaas ii ah waanan faraxsanahay”.

“Waxa aan ku faraxsanahay mashruucan iyo tartanka aan wajahayo”.

“Shalay waxa aan ku raaxaysanayay wadooyinka in aan socdo maantana waxa aan tababare u ahay xiddigaha ugu fiican adduunka”.

“Waxa shaki la,aan ah in ay kooxdan tahay in ay ku guulaysato koobabka ugu badan ee suurtagalka ah”.

“Laakiin waxa aan balan qaadayaa in aay kooxdu si fiican u ciyaari doonto”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*