Tababaraha Cusub Ee Barcelona Quique Setien Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Qorshihiisa Suuqa Kadib Dhaawacii Luis Suarez

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay qorshihiisa ku aadan buuxinta booska uu ka dhaawacmay Weeraryahanka Luis Suarez kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo 4 bilood ah.

Quique Setien ayaa sheegay in uuna qorshaynayn in uu suuqa January la soo saxiixdo badalka Luis Suarez inkasta oo uu xiddiga 32 jirka ah ka maqnaan doono garoomada muddo aad u badan oo xitaa noqon karta ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Quique Setien oo Loo magacaabay tababaraha Kooxda Barcelona Isniintii ayaa sheegay in uu ku shaqayn doono xiddigaha uu haatan ku haysto kooxda.

“Haatan waxa aan kaliya ka fikirayaa xiddigaha aan haatan haysto”ayuu Quique Setien yidhi.

Quique Setien ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano iyo Badh ah oo uu ku hogaamin doono kooxda Barcelona wakhtiga soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*